DHEGEYSO: Degmooyinka Sweden oo ka gaabiyay hal arrin oo xasaasi ah (Daraasad)

0

(Stockholm) 28 Agoosto 2018 – Waxaa soo baxday daraasad heer qaran ah oo aad u dhaliilaysa iimo iyo hubaal la’aan la sheegay in ka jirto awoodda ay degmooyinka Sweden u leeyihiin howlaha lagaga hor tegayo xag-jirnimada gacan ka hadalku wehliyo. Hal hindise oo lasoo jeediyay waa abuurista jawi wada shaqayneed oo dhex mara hay’adaha dembiyada la dagaallama iyo hay’adda adeegga bulshada ee Socialtjänsten.

Haddaba, si aannu arrintan usii amba qaadno oo aannu xog dheeraad ah uga helno waxaannu khadka telefoonka ku waraysannay Anette Peterson, oo ka tirsan maamulka degmada Skärholmen, sidoo kalena xiriiriye ka ah ka hor tagga dembiyada, annagoo waydiiyay sida ay la tahay inay shaqadaa qaban karaan?

’’Shaqadaasi maantaba waxay ka mid tahay, kuwa ay qayb ahaan qabtaan qaybta adeegga bulshadu’’ – ayay tiri Anette.

Sida uu ku doodayo Filip Ahlin oo ah falanqeeye ka faallooda arrimaha amaanka kana tirsan jaamacadda laga barto culuunta ciidamada ee “Försvarshögskolan”, ayaa sheegay in sida ka muuqata daraasadda ay jiraan wax qabad xumo ku xeeran sida maamullada maxalliga ihi ay shaqadan u wajeheen ama ugasoo bixi karaan, haddaba degmooyinku awood ma leeyihiin fulinta iyo ka mira dhalinta howshan?

’’Waa arrin aynu la kori karno muddo kaddib, balse waa arrimo adag, ha yeeshee, waannu dadaali karnaa si aanny u maarayno arrintan’’

Hindise kale oo ay soo jeediyeen dadkii daraasaddan sameeyay ayaa ku saabsan in loo baahan yahay in ciidanka ammaanka loo fududeeyo sidii uu xogaha sirta ah ee gaarka ah ula wadaagi lahaa laanta adeegga bulshada ee Socialtjänsten, annagoo Anette waydiinney inay diyaar u yihiin inay booliiska arrintaa kala shaqeeyaan?

’’Sida cad waxay ila tahay waa muhim inaan booliiska arrintaa iskaashi kala yeelanno, si aannu siraha isugula wadaagno gudaha kamuunka, marka waa suuragal in aannu arrintan booliiska kala hadalno in ka badan inta aynu haatan kala shaqeeyno’’ – ayay raacisay Anette.

Daraasaddu waxay farta ku fiiqaysaa in kooxaha xag-jirka ah ee diinta lala xiriiriyo iyo kuwa siyaasadeed sida midigta fogiba ay maxalli ahaan u howlgalaan oo aysan heer qaran gaarsiisnayn, sidaa darteedna, ay jirto baahi loo qabto in maamullada dowladaha hoose ay arrimahan ka ciyaaraan door intii hore ka badan, taasina ay tahay sababta keentay in ay wada shaqeeyaan booliiska iyo hay’adda adeegga bulshadu

Anette ayaan waydiinnay inay taasi keeni karto inay dadku ka aamin baxaan hay’adda adeegga bulshada, marka ay ka war helaan inay xogo u gudbiyaan ama ka helaan booliiska?

’’Waxaa arrintaa lagu xallin karaa in ogolaansho laga helo qoyska qofka la tuhunsan yahay, micnuhu maaha in cidda oo dhan laga rabo, kaliya waxaa la abaarayaa cidda muhimka u ah baaritaanka, rukhsadduna waxay la micne tahay inuu qofku ogolaado inuu si furan ula hadlo booliiska.’’ Ayay kusoo afjartay Anette Petersson.

Halkan hoose ka DHEGEYSO

Hadalsame Media