Ka bogo sida ay muhim u tahay in DADKA la dhiso inta aan DALKA la dhisin!

0

(Hadalsame) 26 Agoosto 2018 – Dalka Shiinaha ayaa waqti haatan mudo fog laga joogo waxuu khaati ka joogsaday weeraro kaga iman jiray cadow debedda ah, dabeedna raggii madaxda u ahaa waa ay fikireen waxayna isku raaceen in ay dhistaan dayrka ama derbiga loo yaqaan dayrka weyn ee shiinaha si aan loo soo weerarin.

Dhismaha derbiga ama dayrka markii ay dhisteen ka dib ayaa waxa la wareeray dalka shiinaha 3 jeer mar kasta oo la weerarana waxa laga galayey albaabka dayrka, waayo dadkii ilaalinayay ayaa la siiyay Laaluush ka dib markii noloshooda la dabooli waayay oo mushaar ku filan la siin waayey.

Waxaa haddaba dhacday in markaa ka dib uu soo baxay Halkudhegga ah “Shiinaha dayrka ama derbiga wuu dhisi yaqaan, laakiin dadka ma dhisi yaqaano”

Dhacdadaa wareerka badneyd ee xili hore uu la kulmay dalka Shiinaha waa uu ka faa’iideystay khaladkii dhacay waxaana ay u guntadeen madaxdoodu in bulshada aqoon ahaan iyo dhaqaale ahaan ay u dhisaan gaar ahaana ciidanka iyo shaqaalaha la daryeelo iyagoo maanta ka mid ah dalalka ugu horumarsan dunida.

Soomaali ahaan waxaan ka baran karnaa in ay muhiim tahay in la dhiso dadka gaar ahaan dawladaha ka dhasha soomaaliya in ay ku dadaalaan sidii ciidamada iyo shaqaalaha dawladda loo daryeeli lahaa mushaarooyin fiican la siiyo si ay musuq maasuq ugu kacin dalkooda hooyana ay u aaminaan una khiyaamin bulshada ay u shaqeeyaana si hufan ay ugu adeegaan.

Waxaa la yiraahdaa horumarka dhaqaale ee dal wuxuu kordhaa marka dakhliga muwaadinku uu kordho, taasi oo nolosha saamayn ku yeelata.

Waxa Diyaariyay: Cabdullaahi Nuur Colombo

Hadalsame Media