ISKA JIR: Baro 10-ka garoon ee ugu HALISAN caalamka (Qaybtii 3-aad)

0

(Hadalsame) 26 Agoosto 2018 – Waxaa dunida ku yaalla waxyaabo cajiib ah oo ku yaalla meel aan ku qaab samayn ama juqraafi ahaan halisteeda leh, sida 10-ka garoon ee lagu tilmaamo kuwa ugu halisan caalamka.

3 – Madeira Airport, Portugal

Garoonkani wuxuu ka mid yahay garoomo yar oo ay muhandasiintu u naqshadeeyeen qaab ay ku ballaarinayaan dhabbaha ay dayuuraddu ku ordayso iyagoo badda ka dhisay buundo sidda qaybtii lagu dheereeyay dhabbahaasi, dhabbaha lagu ordayaa wuxuu u dhexeeyaa buur fiiqeed iyo xeebta badda, waxaana haya 180 rukun oo lagu adkeeyay dhabbahaasi ay qaybi buundada tahay, si uu u xajiyo culayska dayuuradaha xilliyada degista

Dhabbaha ay dayuuraduhu ku cararaan ee Aeroporto da Madeira

4 – McMurdo Air Station Antarctica

Dad badani dabcan uma safraan cirifyada qaboow ee Antarctic, sidaa darteed, garoonkani ma laha kaabayaal iyo adeeg badan, sanaddii 1970-kii waxaa halkaa ku burburtay dayuurad ah C-121 oo weliba goobta taalla, iyadoo uu baraf aasay.

Dhabbuhu ma gaabna, yeelkeede, waxa lagu dul ordayaa waa baraf, taasoo inta badan dhib ka yimaaddo, gaar ahaan xilliyada degitaanka oo uu cufka dayuuraddu uu daafad xooggan dhulka kula dhoco, haddii aan la taxadarin.

La soco qaybta 4-aad….

Hadalsame Media