JUVENTUS VS SS LAZIO: Safafka & shaxda ay fiidkii kusoo geli karaan!

0

(Torino) 25 Agoosto 2018 – Waxaa kulanka ugu horreeya todobaadka 2-aad, sidoo kale markale aftixi doonta kooxda Juventus oo gurigeeda kusoo dhowaynaysa kooxda Lazio caawa fiidkii.

Dhanka Juve: Allegri ayaa u muuqda mid adeegsan doona shaxda 4-3-3, isagoo daafaca ku daboolaya Barzagli halkii Cancelo. Khadka dhexe wuxuu dheelsiin karaa Matuidi oo ay wehlinayaan Pjanic iyo Khedira. Weerarka Mandzukic ayuu ka door bidayaa Dybala, oo kaydka kululayn doona.

Dhanka Lazio: Waxaa safka hore kusoo laabanaya, Lucas Leiva oo kulankii hore ganaaxnaa. Waxaa sidoo kale diyaar ah Lulic. Dhanka midigta waxaa soo kabtay Marusic kaddib markii uu lugta ka hoolmay. Waxaa dhaawac ah Luiz Felipe, oo ay booskiisa isku hayaan Wallace-Caceres. Berisha iyo Lukaku lama heli karo.

KAYDKA LABADA KOOXOOD

  • 22 PERIN, 21 PINSOGLIO, 20 CANCELO, 24 RUGANI, 4 BENATIA, 23 EMRE CAN, 10 DYBALA, 30 BENTANCUR, 16 CUADRADO, 33 BERNARDESCHI
  • 24 PROTO, 23 GUERRIERI, 22 CACERES, 15 BASTOS, 8 BASTA, 14 DURMISI, 9 ROSSI, 96 MURGIA, 11 CORREA, 25 BADELJ, 32 CATALDI, 20 CAICEDO

GANAAXAN

  • Patric

AAN LA HELI KARIN

  • Spinazzola, De Sciglio
  • Luiz Felipe, Berisha, Lukaku

Hadalsame Media