Dr Cabbeey Axmed oo kulan ballaaran la qaadanaya dadka Gobolka Soomaalida

0

(Muqdisho) 24 Agoosto 2018 – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Cabbeey Axmed ayaa lagu wadaa in uu la kulmo xubno ka tirsan hogaanka cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida iyo ergo ku dhow 1000 oo laga kala keenay deegaannada ismaamulka Soomaalida.

Kulankaan ayaa ka dhacaya Magaaladda Addis Ababa maanta oo Jimce ah.

RW Axmed ayaa la sheegayaa in dhinacyada uu la kulmayo uu kala hadli doono mustaqbalka gobolka Soomaalida iyo sidii xasilooni iyo maamul wanaag looga hirgalin deegaankaasi.

Waxyaabaha kale ee la filayo in laga wada hadlo waxaa ka mid ah xasaradihii dhexmaray qowmiyaddaha Soomaalida iyo Oromada.

Hadalsame Media