”Maamulka Trump waxaa afduubtay Muxaafidiinta Cusub” – Ron Raul

0

(Washington, DC) 24 Agoosto 2018 – Sidii loo arkayay, Donald Trump waxaa loo doortay inuu noqdo shacbawi dibadda kaga yimid siyaasadda degsan ee Maraykanka ee dunida qastay, balse iminka waxaa muuqanaysa inay maamulkiisa afduubeen Muxaafidiinta Cusub (Neocons), sida uu qabo Ron Paul oo ka tirsanaa Koongrayska Maraykanka, balse aad u naqdiya siyaasadda degsan ee Maraykanka.

Paul wuxuu ka hadlayay kulan Khamiistii shalay ahayd Geneva ku dhex maray la taliyaha amaanka qaranka Trump, John Bolton, iyo dhiggiisa Ruushanka Nikolay Patrushev, kaasoo uu Bolton ku sheegay “mid horumar wayn lagaga sameeyay” xiriirka Washington iyo Moscow.

“Waxay ila tahay inuu ahaa kulan xun. Waxa uu ninkani sameeyaa waa uun hanjabaad iyo inuu iska dhaadhiciyo inaan dunida annagu (Maraykan) xukunno,” ayuu yiri Paul oo Texas ku meteli jirey Koongarayska Maraykanka.

Wax war ah kama soo bixin kulankii shalay, gaar ahaan marka la eego doodda Maraykan ka taagan ee ku aaddan inuu Ruushku gacmeeyay doorashadii 2016-dii, balse Ron Paul ayaa qaba in uu Maraykanku ko dhowaad fara geliyay doorasho kasta oo dunida ka dhacda, ama uu afgembiyo ka ridey dalal badan ama dumiyay, in lagu mashquulo arrintan Ruushkuna ay tahay buun buunin iyo shacabka oo laga jeedinayo arrimo muhim ah.

Muxaafidiinta Cusub ayaa lagu xantaa inay yihiin, kuwii abaabulay weerarkii 11-kii Sebt. si kaddib ay qiil ugu helaan dalalkii ay weerareen oo weli la daalaa dhacaya burburkii ku habsaday.

Hadalsame Media