HIILLO CAD: Trump oo faraha la galay arrimaha gudaha Koonfur Afrika

0

(Washington, DC) 23 Agoosto 2018 – Madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump ayaa walaac ka muujiyay xaaladda caddaanka beeraleeyda ah ee South Africa, halkaasoo ay caddaan badani beer iyo bugco la’aan ku dhici karto marka la dhaqan geliyo xeerka cusub ee dib u qaybinta dhulka dalkaasi oo ay caddaanka tirada yari inta badan haystaan dhanka beeraha.

“Waxaan waydiistey Xoghayaha Arrimaha Dibedda @SecPompeo inuu si dhow u daraasadeeyo isbeddelka lagu sameeynayo dhulka South Africa iyo dhulka lagala wareegayo beeraleeyda iyadoo aan magdhow xitaa la siin iyo dowladda South Africa oo haatan la wareegaysa beerihii caddaanka oo si ballaaran loo laynayo,’” ayuu yiri Trump oo Twitter adeegsanaya hiillana u muujinaya caddaanka SA.

Dowladda South African ayaa la sheegay inay todobaadkan dhul kala wareegtey laba qof oo caddaan ah oo ka dhega adaygay qorshaha cusub ee dib loogu qaybinayo dhulka dalkaasi, taasoo cabsi gelisey maalgeliyayaasha iyo dadka leh hantida ma guurtada ah.


Hadalsame Media