Wasiiro ka tirsanaa maamulkii Cabdi Illeey oo Hargeysa lagu xiray

0

(Muqdisho) 23 Agoosto 2018 – Ciidamada Somaliland ayaa qabtay islamarkaana xabsi dhigay labo wasiir oo ka tirsanaa xukuumada dowlad deegaanka soomaalida Ethopia ee uu hogaaminayay madaxwaynihii iscasilay Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxay kala yihiin wasiirkii hore ee cadaalada Cabdi Jamaal Axmed Qolonbi iyo wasiirkii hore ee waxbarashada dawlad deegaanka soomaalida Ibraahim Aadan Mahad.

Ciidamada laanta socdaalka garoonka Cigaal Airport ee Magaaladda Hargeysa ayaa xiray labadaan wasiir xili ay doonayeen inay ka dhoofaan garoonka.

Somaliland ayaa ku eedeysay labadaan wasiir in sifo sharci darro ay dhulkeeda ku soo galeen.

Hadalsame Media