Safaarad ay Somalia leedahay oo isu beddeshey MAKHAAYAD Shiinays ah + Sawirro

0

(Daaru Salaam) 22 Agoosto 2018 – Warar aan weli la caddayn karin oo naga soo gaaraya dhanka Tanzania ayaa sheegaya in  Safaradii Soomaaliya Ee dalka Tanzania laga kireeyay ganacsato Shiinays oo halkaa u rogtey makhaayad laga cuno cunto Shiinayska.

Sida uu warku sheegayo, safaaradda ayaa haatan ku shaqaynaysa qaybta degaanka loogu tala galay, halka dano khaas ah loo bixiyay qaybtii loogu tala galay in shacabka loogu shaqeeyo.

Lama oga inay dowladda Somalia arrintan ka warqabto iyo in kale, sidoo kale weli ma jiraan ilo si madad bannaan warkan u caddayn kara.

Yeelkeede, dhismaha safaaradda ayaa waxaa ka muuqata far Shiinays ku shaqlay boor derbiga saaran oo ay sidoo kale ka muuqato kelmada makhaayad cunto, waxaa kale oo ka muuqata inaan xitaa la rinjiyaynin gidaarrada safaaradda.

Sawirrada: Salmaan Jamaal

Hadalsame Media