ISKA JIR: Baro 10-ka garoon ee ugu HALISAN caalamka (Qaybtii 2-aad?)

0

(Hadalsame) 22 Agoosto 2018 – Waxaa dunida ku yaalla waxyaabo cajiib ah oo ku yaalla meel aan ku qaab samayn ama juqraafi ahaan halisteeda leh, sida 10-ka garoon ee lagu tilmaamo kuwa ugu halisan caalamka.

5 – Gibraltar International Airport

Waloow uusan dhabbahani adkayn marka lagu dego, misna naqshaddiisa shaqo ayaa xaaladda halis ka dhigaysa, waayo jid wayn oo la yiraahdo Winston Churchil Ave. ayaa gooya isla dhabbaha garoonka, kaasoo ay tahay in la xiro marka ay dayuuradi degeyso ama haadayso.

Tan kale, waloow ay jidka ku yaallaan samaafarayaal iyo dawanno digniin diraya marka ay dayuuradi jidka kusoo jirto, misna dhowr mar bay isku sigteen gaari iyo dayuuradi marka dib loo eego taariikhda garoonkan oo ku yaalla Gibraltar oo ah mustacmarad hoos tagta Britain, balse ku dheggan dalka Spain.

6 – Paro Airport, Bhutan

Wax badan baan caadi ahayn halkan, horta garoonka oo ku dhex yaalla buuraleeyda Himalaya, waxaa ku xeeran buur uu fiiqeedu gaarayo 5,500 oo mitir, waxaa ka daran in dhererka dhabbaha dayuuradda oo dhami uu yahay 1981 mitir.

Garoonkan oo lagu tilmaamo mid ka mid ah, ama kaligii ah, garoomada ugu halisan ee lagu dego waxaa kaliya inay ku degaan ama ka duulaan awood u leh 8 duuliye oo qura, waayo marka aad degto ama duusho isla judhiiba waxaad diyaaradda gelinaysaa goolad ama jiiro, mana sahlana in la dejiyo dayuurad jiiro ka timid ama la duuliyo ee horay laga jiireeyo, si looga weecdo buur meesha ku gudban oo weliba laba rac ah.

7 – Princess Juliana International Airport, Saint Maarten

Wuxuu garoonkani halis ku yahay, iyada oo dhabbaha ay dayuuraddu ka haadayso uu ku ag yaallo xeeb ay dadku ku qorraxaystaan, waxayna arrintani keentaa inay dadku nabad ku joogi waayaan xeebta, waayo waxaa soo noqnoqda sawaxanka dayuuradaha iyo ciid ay kicinayaan marka ay degayaan ama kicinayaan, maaddaama ay usoo dhowaanayaan dhulka xeebta.

La soco qaybta 3-aad….

Hadalsame Media