DAAWO: ”Waan wada dhimanaynaa!!” – Dad badan oo mustaqbalka ka raja dhigay markii ay arkeen muuqaalkan!!

0

(Boston) 22 Agoosto 2018 – Muuqaalkan ayaa kumannaan jeer lagu wadaagey barta Twitter wuxuuna muujinayaa robot bilaa weji ah, misna welwel ku abuuray intii aragtay, gaar ahaan dadka ka cabsi qaba in ay dunida mar qasi doonaan makiinadahan dad sameega ihi.

waxyaabaha cabsida leh ee robot-ka oo ay sameeyeen Boston Dynamics, waxa koow ka ah robot-kan oo loogu yeeray dad yare (humanoid) oo si caadi ah oo uu dareen ka muuqdo u libiqsanaya, welibana inta gudbo dib usoo jalleecaya qofkii sawirayay.

Waxaa ka daran miisaanka tillaabada iyo muusikada sootofoondada ah, waxayna cabsidu sii kordhaysaa marka wejigiisa salaaxan lagu dhoweeyo kaamirada ee la arko indho kuwa insaanka shabbaha oo misna caadi u libiqsanaya una warwareegaya. Dad badan baa qaba in makiinadahani ay mar uun halis gelin doonaan hab socodka nolosha aadanaha, maadaama ay samaysanayaan sharikaad dano gaar ah leh.

Dhowr qof baa soo wadaagey muuqaallo ay kasoo qaateen aflaamta SCI-FI ah, mid baana Twitter kusoo qoray: “WAAN WADA DHIMANAYNAA.”


Hadalsame Media