Xubno ka tirsan garsoorka Soomaaliya oo shaqadii laga joojiyey (Faahfaahin)

0

(Muqdisho) 20 Agoosto 2018 – Ugu yaraan 9 Kalkaaliye oo ka tirsanaa Maxkamadaha darajada 1-aad iyo 2-aad ee gobolka Banaadir ayaaa shaqo joojin lagu sameeyay sababo lagu sheegay cabashooyin ay soo gudbiyeen shacabka cadaalada u raadsada maxkamadaha gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo warqada shaqo joojinta xafiiskiisa kasoo saaray ayaa faray maxkamada racfaanka iyo masuulyiiinta degmooyinka Gobolka Banaadir inay awaamiirtaan fuliyaan.

9-ka xubnood ee shaqo joojinta lagu sameeyey waxay badankood ka howlgalayeen Maxkamadaha degmooyinka,Gobolka,iyo Rafcaanka ee gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hore u balanqaaday in dowladdiisu xooga saari doonto hagaajinta garsoorka dalka si shacabka soomaaliyeed u helaan garsoor ku dhisan Cadaalad iyo Hufnaan.

Hadalsame Media