Dowladda Itoobiya oo loogu baaqay arrin muhiim ah (Sabab)

0

(Muqdisho) 20 Agoosto 2018 – Hay’adda u dooda xaquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa waydiisatay dowladda Itoobiya in baaritaano madaxbanaan oo dhab ah oo lagu sameeyo gafood fallo ka dhacay dhulka Soomaalidu degto ee barriga Itoobiya.

Human Rights Watch waxay ugu baaqday dowladda Itoobiya in sidoo kale baaritaan lagu sameeyo saraakiil ka tirsan Ismaamulka Soomaalida ee gobolka waxaana ka mid ah dadka ay Hay’addu calaamadeysay Madaxwaynihii hore DDSI Cabdi Maxamuud Cumar oo loo yaqaano Cabdi Illeey iyo madaxa Ciidamada Liyuu Booliska oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cabdullaahi Burale.

Dhacdooyinka sida gaarka ah Human Rights Watch kaga hadashay waxaa ka mid ah xiisadihii dhawaan ka dhacay Magaaladda Jigjiga halkaas oo boob loogu gaystay hanti ay lahaayeen dad aan Soomaali ahayn.

Gobolka Soomaalida oo inta badan loo yaqaano killinka shanaad waxaa la sheegay inay ka dhaceen gabood falladii ugu xumaa sida, dil, kufsi iyo boob 10 sanno ee la soo dhaafay, waxaana taasi ay qeyb ka tahay tacadiyadda sidoo kale lagu eedeeyo millatariga dowladda dhexe ee Itoobiya.

Hadalsame Media