SERIE A: Wax kasta oo ad uga baahan tahay horyaalka Talyaaniga oo maanta furmaya

0

(Roma) 18 Agoosto 2018 – Waxaa Caawa Magaalada Verona dib looga daari doonaa shuclada Serie A-da dalka Talyaaniga, halkaas oo loo gartay in ay ku wada hardamaan Kooxda ugu tunka wayn dalkaas oo toddobadii gu, ee lasoo dhaafay iyada un iska qaadanaysay Horyaalka ee Juventus iyo Kooxda shantii Jeer ee u danbaysay Serie A ku kulmeen la garaacayay oo ah Chievo Verona Saacada maxaliga ah ee Muqdisho marka ay tahay 7:00-fiidnimo.

Kooxda Old Ledy ayaa qiimihii ugu qaalisanaa ku bixisay suuqa, kaddib markii ay lasoo saxiitay Cayaariyahanada Cristiano Ronaldo, Leonardo Bonucci, João Cancelo, Leonardo Spinazzola iyo Emre Can, xilli ay lumisay Cayaariyahan Gonzalo Higuaín oo qaab deen ah ku aaday Kooxda AC Milan.

Ka hor booqashada Kooxda Cajuusta ee Godka Naarta ama Bentegodi Stadium ayaa keentay in unugyo ka tirsan Ciimada ka hor taga Argigixisada lagu daadiyay meelo badan oo ka mid ah magaalada Verona, taas oo muujinaysa in Ronaldo si wayn looga danaynaayo Serie A, bacdamaa midaan oo kale aysan hore u dhicin.

Dhinaca kale Madaxwaynaha Lega Serie A ayaa aqbalay cosdi kaga yimid Naadiyada Sampa iyo Genoa kaasi oo ku aadan in la baajiyo kulamadii dhex mari lahaa Kooxaha Fiorentina iyo Sampdoria iyo si la mid ah kan Milan iyo Genoa, kaddib masiibadii ay dadka badani ay ku dhinteen bartamaha toddobaadkii hore, markii ay soo duntay Buundada Ponti Morandi oo dhacda Waqoyi galbeed ee dalka Talyaaniga, si ay umuujiyaan in ay ka xun yihiin mashiibada dhacday, kulamadaas oo qabsooi lahayd 19-ka bishan, hase yeeshee dib loo dhigay.

Waxaana fasal Ciyaareedkaan ka qayb galaaya 20-koox oo kala ah Atalanta, Bologna, Cagliari, Chievo, Empoli, Fiorentina, Frosinone, Genoa, Internazionale, Juventus, Lazio, Milan, Napoli, Parma, Roma, Sampdoria, Sassuolo, SPAL, Torino iyo Udinese, kuwaas oo kasoo kala jeeda Magaaloyinka Milaano, Bologna, Roma, Torino, Vercelli, Florence, Naples, Cagliari, Casale, Novi, Verona iyo Genoa, oo wada dhaca gobolada Piedmont, Lombardy, Lazio, Liguria, Emilia, Campania, Sardinia, Tuscania iyo Veneto. Si kastaba ha ahaatee’ waxaa Caawa la Ciyaari doonaa laba kulan oo kala ah Chievo Verona Vs Juventus oo ah kulank hore iyo Lazio Vs SSC Napoli.

W; Diyaariyay: Maxamed Cabdullaahi Digireey

Hadalsame Media