Kooxaha Talyaaniga oo kharashkii abid ugu badnaa ku bixiyay suuqa kala iibsiga! (Waa imisa?)

0

(Roma) 18 Agoosto 2018 – Naadiyada Serie A ayaa khasiray adduun dhan €1.14 bilyan oo euro, marka ay timaado suuq xagaaga kala iibsiga, iyagoo in yar uun ka hooseeya horyaalka English Premier League.

Fasal-ciyaareedka Serie A ee 2018-19 ayaa maanta furmaya iyadoo lagu bilaabayo Chievo-Juventus iyo Lazio-Napoli, waxaana xalay sidaa ku xirmey suuqa kala iibsiga.

Panorama ayaa isu geeyay inta ay suuqa ku bixiyeen kooxaha Talyaaniga oo aad sare ugu kacay, waana €1.14 bilyan, taasoo guud ahaan ka dhigan in ay kharash gareeyeen lacag 25% ka baxan sanadkii tegey, oo ay bixiyeen €907 milyan oo euro, waxayna kaliya kaalinta 2-aad u fadhiyaan Premier League, oo suuqa ku beelay €1.42bn.

Waa bootin dheer oo ay horay u qaadeen kooxaha Serie A, marka la eego inay €335m oo qura suuqa ku bixiyeen fasal-ciyaareedkii 2014, waana lacag in yar uun ka badan €250m oo ay Juventus kaligeed sanadkan bixisay, waxay sidoo kale Serie A isu gayn ahaan suuqa ku bixiyeen €608.8m 2015 iyo €707.35m oo ay quureen 2016.

Hadalsame Media