CHIEVO VS JUVENTUS: Safafka & shaxaha ay caawa fiidkii kusoo geli karaan!

0

(Verona) 18 Agoosto 2018 – Waxaa caawa fiidkii ballansan labada kooxood ee Chievo vs Juvents oo furaya horyaalka Talyaaniga oo maanta oodda laga qaadayo.

Dhanka Chievo: Waxaa u safan laacibkii hore ee Juve ee Giaccherini oo dab kusoo dhowaynaya Cristiano Ronaldo. Wuxuu taageerayanaa Birsa iyo Stepinski oo ah seddexleeyda uu lasoo shaqa tegayo D’Anna. Looma yeerin Pucciarelli.

Dhanka Juve: Kulanka Verona waxay Juventus adeegsanaysaa shaxda 4-2-3-1, waxaana garbaha ka taageeraya garabyada Douglas Costa iyo Bernardeschi iyo Dybala oo ku dhex jira, seddexleeyda quudinaysa Cristiano Ronaldo.

Waxaa dadabyada daafaca xiraya Cancelo iyo Alex Sandro, Mattia De Sciglio, ayaa murqaha ka sheeganaya, balse loo joojin maayo, halka Leonardo Spinazzola, uu kasoo kabanayo dhaawac jilibka ah oo gaarey dhamaadkii sanad-ciyaareedkii tegey.

KAYDKA LABADA KOOXOOD:

  • 90 SECULIN, 1 SEMPER, 44 JAROSZYNSKI, 14 BANI, 5 BARBA, 3 TANASIJEVIC, 22 OBI, 13 KIYINE, 69 MEGGIORINI, 20 DJORDJEVIC, 31 PELLISSIER, 11 LERIS
  • 22 PERIN, 21 PINSOGLIO, 15 BARZAGLI, 24 RUGANI, 4 BENATIA, 23 EMRE CAN, 14 MATUIDI, 30 BENTANCUR, 7 CUADRADO, 17 MANDZUKIC

GANAAXAN

AAN LA HELI KARIN

  • Cesar
  • Spinazzola, De Sciglio

Hadalsame Media