SAWIRRO: AC Milan oo soo bandhigtay Diego Laxalt, Samuel Castillejo & Tiémoué Bakayoko oo DOOLSHE gaar ah loo sameeyay + Sababta

0

(Milano) 17 Agoosto 2018 – Waxaa maanta rugta Casa Milan lagusoo bandhigay laacibiinta cusub ee AC Milan sida: Tiémoué Bakayoko, Diego Laxalt iyo Samuel Castillejo.

Laacibka Faransiiska ah waxaa isaga u dheerayd inay u ahayd maalinta dhalashadiisa oo lagu maamuusay doolshe gaar ah: “Waxaan u mahad celinayaa AC Milan oo kalsooni ii muujisay, Gattuso wuxu i xusuusinayaa Conte, waxay wax u sameeyaan si shucuuri ku dheehan yahay”. ayuu yiri Baka.

Laacibkii hore ee Genoa ee Laxalt ayaa yiri: “Waxay ii ahayd todobaad wanaagsan, markii Milan ay isoo codsatay waxaan diidey Zenit, diyaar baan u ahay macallin Gattuso”.

Laacibka reer Spain isagu meel dheer ayuu wax ka eegay: “Waxaan doonayaa inaan halkan guul ku gaaro. Milan waa naadi ka mid ah kuwa ugu waawayn caalamka”. ayuu yiri Castillejo. Laacibiintan cusub ayaa durba ka qayb galaya tababarka kooxdooda.

Haddaba, hoos ka eeg sawirradii ugu fiicnaa munaasabaddii bandhigga…

Hadalsame Media