Real Madrid oo FIFA u dacwootey & Inter Milan oo difaac gashay! (Baaritaan durba bilowday)

0

(Zurich) 17 Agoosto 2018 – Real Madrid ayaa dacwad ay ka gudbisey Inter Milan gaarsiisey xafiisyada FIFA iyagoo ka ashtakoonaya qaabka uu naadigan Talyaaniga ihi u wajahaey laacibkeeda khadka dhexe ee Luka Modric.

FIFA ayaa lafteedu sheegtay inay gal dacwadeed cabasho ah ka heshay kooxda reer Madrid kahor xiritaanka suuq xagaaga Serie A oo hadda dhow xirmey.

Laacibkan dhisaha ah ee 32-jirka ah ee Modric ayaa gelinkii labaad ee ciyaarta soo galay kulankii UEFA Super Cup, kaasoo ay Real Madrid 4-2 dirtay kooxda ay isku xaafadda yihiin ee Atletico Madrid 4-2 waqtiga dheeraadka ah.

“Marnaba wax xiriir ah oo toos ah lama yeelanin laacibka”, ayay isku difaacdey Nerazzurri, kaddib markii FIFA ay Inter ku wargelisey in dacwad laga soo gudbiyay, iyadoo sidoo kale loo sheegay in baaritaan hordhac arrintan laga furay.

Hadalsame Media