Dadkeenna ma haysan kartaan ee tillaab ayaan qaadaynaa” – Maraykanka oo u hanjabey Turkiga

0

(Washington, DC) 17 Agoosto 2018 – Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa wacad ku maraya in sida uu yiri uu qaadayo tillaabooyin cusub oo uu kusoo furanayo ninka kaga xiran Turkiga, isagoo leh “weli arrintani ma dhamaanin.” Pastor Andrew Brunson ayaa ku jirey gacanta Ankara tan iyo 2016.

“Mar hore ayay ahayd inay sii daayaan, Turkiguna sida aan qabo waxay u dhaqmeen si aad iyo aad u xun,” ayuu Trump warfidiyeenka u sheegay mar dhowayd isagoo raaciyay. “Ma dhici doonto inaan iska fadhinno. Dadkeenna ma haysan karaan.” 

US pastor Andrew Brunson is pictured on July 25, 2018. © Reuters
Maxkamad Turki ah ayaa diiddey rafcaankii Brunson

Warka hanjabaadda ah ee madaxwaynaha Maraykanka ayaa imanaya kaddib markii ay maxkamad Turki ihi diiddey rafcaankii lagu codsanayay in lasii daayo wadaadka Masiixiga ah ee Maraykanka ah ee Andrew Brunson.

Khamiistii, Trump ayaa soo tweet gareeyay in Maraykanku “aanay waxba ku bixinaynin sii daynta Brunson, balse ay ciqaabi doonaan Ankara haddii aan lasii daynin.

Hadalsame Media