Ruushka oo ka macaashay MURANKA Shiinaha & Maraykanka (Xeelad cusub oo ay wada degeen Ruushka-Shiinaha)

0

(Moscow) 15 Agoosto 2018 – Ganacsiga u dhaxeeya Moscow iyo Beijing ayaa bil kasta kordhayay tan iyo bilowgii sanadkan 2018. Waaa arrin kororkaa bilowday tan iyo markii uu bilowday dagaalka ganacsi ee Maraykanka iyo Shiinaha.

Laga soo bilaabo bishii Luulyo, Ruushka iyo Shiinuhu waxay is dhaafsadeen badeecooyin ku kacaya $58.35 bilyan oo doollar, taasoo ka dhigan koror dhan 25% marka sanad ahaan loo eego, sida ay sheegeyso xogta kastamka Shiinuhu.

Badeecada uu Shiinuhu u dhoofiyo Ruushka ayaa korortay 16.6 boqolkiiba, iyadoo gaartey $26.9 bilyan oo doollar, halka uu Shiinuhu soo degsadey badeeco ku kacaysa $31.45 bilyan oo doollar, taasoo noqonaysa koror dhan 34.9 boqolkiiba.

Labada dal ayaan intaa ku ekaanayn, balse filaya inay sanadkan $100-bilyan oo doollar gaarsiiyaan badeecooyinka ay is dhaafsadaan oo sanadkii tegey ee 2017 ahayd $84.1 bilyan oo doollar, taasoo noqonaysa koror dhan 19%, waxayna doonayaan inay marka dambe gaaraan $200 bilyan oo doollar sanadkii, iyagoo weliba doonaya inay wax ku kala iibsadaan lacagohooda, si ay u wiiqaan doollarka Maraykanka.

Hadalsame Media