DAAWO: TV Ingiriis ah oo soo bandhigay FOOLXUMO ay rag qurbaha ka tagaa kula kacaan gabdho Soomaali ah!! + Sawirro

0

(Nairobi) 15 Agoosto 2018 – Hilinka Channel 4 ee dalka Ingiriiska ayaa baahiyay warbixin uu ku eegay haween Soomaaliyeed oo iyadoo looga faa’iidaysanayo duruufaha dhaqaale ee ay ku jiraan, ay si xil leh ula dhaqmaan niman inta badan ka yimaada dalalka Galbeedka.

Warbixintan oo ah dokumeteri kooban ayaa waxaa ku jira haween Soomaaliyeed oo ay qaarkood sheegayaan inay nolosha ka dheceen oo ay duurka galeen, kaddib markii ay xumeeyeen niman guur ugusoo gambaday iyo qaar kale oo ay reerohoodii dayriyeen kaddib markii carruur looga dhuuntay.

Warbixinta ayaa sheegaysa in haweenkaa qaarkood lagu mehriyo guur been abuur ah oo ay fulinayaan laba nin marqaati jilaya iyo wadaad beenaad, kaddiba halkaa lagu illoobo marka uu ninku qurbaha ku noqdo wax lagu sheegay ”guur dalxiis”.

Hoos ka daawo warbixintan oo uu soo diyaariyay weriye la yiraahdo Jamaal Cusmaan oo ay kaalinayeen Nick iyo Deeqa Xasan.

Hadalsame Media