Muhaajiriintii Soomaalida iyo Ajaanibta ahaa oo xal loo helay (Faahfaahin)

0

Dekaddaha Sète in Hérault and Corsica oo ku yaala dalka Faransiiska ayaa la sheegay inay diyaar u yihiin in marka Aquarius ku soo xirto kaa oo sida Muhaajiriin gaaraya 150 kuwaas oo isagu jira Soomaali iyo Ajaanib.

Laakin wararka hor dhaca ah ayaa sheegaya in tani u baahan tahay ogolaansho laga helo dowladda faransiiska.

Markabkaan waxaa uu hadda ku xaniban yahay badweynta u dhaxeysa Malta iyo Talyaaniga. Dowladdaha Talyaaniga, Malta iyo Spain ayaa iska diiday inay qaabilaan Muhaajiriintaan.

Markabkaan oo lagu magacaabo Aquarius ayaa Muhaajiriintaan ka soo badbaadiyey biyaha badda caalamiga ah jimcadii la soo dhaafey waxaana qeyb ka gaystay dowladda Liibiya waxaana Liibiya ay sidoo kale diidey in markaasi ku soo xirto dekaddaha dalkeeda.

Markabkaan ayaa loo adeegsadaa in Muhaajiriinta uu ka soo badbaadiyo badda marka ay la kulmaan qataro.

Hadalsame Media