RASMI: Tiemoué Bakayoko oo ku biiray kooxda AC Milan & Goorta lasoo bandhigayo + Sawirro

0

(Milano) 13 Agoosto 2018 – AC Milan ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah ula soo wareegtey laacibka ee Tiemoué Bakayoko, oo ay kasoo qaateen kooxda Chelsea FC.

Tiemoué Bakayoko oo xalay kasoo degey gegada Linate ee magaalada Milano ayaa ku hoydey Westin Palace isagoo saaka caafimaadka ku maray La Madonnina.

Bakayoko ayaa haatan qandaraaska ku saxiixay rugta Casa Milan, isagoo ku yimi amaah sharafeed 5m oo euro iyo 35m oo kale oo ay Milan bixin doonto haddii ay la wareegayso xiddiggan.

Macallin Gattuso oo tillaabadan ku qanacsan, ayaa laacibkan raacaha ah dalbaday isagoo ka caawin kara kala bedelka taatikada ciyaarta isagoo haatan dheeli kara 4-2-3-1, halkii uu awal u badnaa 4-3-3.

Bakayoko ayaa saxaafadda loogu soo bandhigayaa Casa Milan, Via Aldo Rossi 8 Jimcaha, Agoosto 17, 3:00 galabnimo, waxaana shirkaa jaraa’id laga daawan karaa Milan TV waxaana iyadoo Talyaani ah lagala soconayaa Facebook, halka Youtuba laga baahin doono iyadoo af-Ingiriisi ah.

MILANO – 13/08/2018 – IL NUOVO ACQUISTO DEL MILAN TIEMOUE BAKAYOKO ALLE VISITI MEDICHE ALLA CLINICA LA MADONNINA DI MILANO – FOTO DANIELE MASCOLO/PHOTOVIEWS

Hadalsame Media