DAAWO: Muuqaal laga duubay isla daqiiqaddii ay dumaysay buundo ku taalla Talyaaniga (Sawirro)

0

(Genoa) 14 Agoosto 2018 Ugu yaraan 22 qofood bay waxyeelladu maraysaa, kuwaasoo ay ku jiraan carruur yar yar, kaddib markii ay soo dhacday buundada Morandi ee dul marta durdurka Polcevera.

Madaxa Waaxda Ilaalinta Rayidkae, Angelo Borrelli ayaa werinaya inay dhinteen ugu yaraan  9 qofood, halka ay dhaawacmeen ilaa 13 qofood oo ay ugu yaraan 5 ka tirsan garaab yihiin.

“Xilligii ay buundadu dhacaysay, 30 ilaa 35 gaari ayaa buundada saarnaa,” ayuu yiri Borrelli oo ula jeedey buundada oo sidda jid wayn oo ah nooca highwayga.

Samata bixiyayaasha qodaya guryo dumey ayaa heli kara dad ku hoos jira guryo buundada ka hooseeyay oo burburay.

Kooxaha kubadda cagta Talyaaniga oo ay ku jiraan labada kooxood ee Sampdoria iyo Genoa ayaa soo qoray farriimo hiillo niyadeed ah oo ay u muujinayaan magaalada Genoa iyagoo leh, “Waan kula jirnaa”.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan, in geerida oo qur ihi ay ugu yaraan 35 gaarayso, halka dhaawucuna uu intaa kasii badan yahay.


Hadalsame Media