Odeyaal lagu xiray Gobolka Galgaduud.

0

(Mogadishu) 13, Agoosto 2018 – Ururka Al-Shabaab ayaa la sheegay in Odey dhaqameedyo ay ku xireen qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya waxaana arrintaas walaac ka muujiyey dadka deegaanka.

Nabadoon Maxamuud Cali Diiriye oo ka mid ah Odayaasha gobolka Galgaduud ayaa Hadalsame Media u sheegay inay ka walaacsan yihiin xarig Al-Shabaab u geysteen ugu yaraan sadex Odey dhaqameed oo cimrigooda lagu sheegay 70-80 jiro.

Lama oga sababta loo xiray odeyaashan waxaana dhacdadaani ka dhacday maalinimadii shalay tuulada Ximcade oo hoostagta degmada Ceelbuur

Al-Shabaab kama hadasho dadka ay xabsiyada dhigaan.

Hadalsame Media