Soomaali-Galbeed: Maxay ka dhigan tahay magacaabista Axmed Shide? (Falanqeyn)

0

(Mogadishu) 13 Agoosto 2018 Waxaa dad badani isweydiinayaa sababta dowladda Itoobiya ku dooratey inay la wareegto hoggaanka Xisbiga dowlad-deegaanka Soomaalida ee Kilinka Shanaad oo shalay galinkii dambe looga dhawaaqay isbedel cusub.

Iyadoo golayaasha Xisbiga dimuquraadiga dowladda deegaanka Soomaalida ay ku sugan yihiin Addis Ababa ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in dowladda Itoobiya markii ugu horeysay ku cadaadisey maamulkaasi inay ku darsato xubno cusub oo daacad dhaw u ah dowladda dhexe ee RW Abiy Ahmed.

Axmed Shidde oo ah Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federal ka ee Itoobiya ayaa loo doortay Gudoomiyaha Xisbiga taladda haya ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana loo arkaa nin saameyn ku leh deegaanka inkastoo uusan ka soo jeedin beesha inta badan lagu eedeeyo inay is xijiso lahaanshaha deegaankaasi.

Waa nin qunyar socod ah waxaana shirka lagu doortay uu ka dhacay Magaaladda Addis Ababa iyadoo wararku sheegayaan in tani ka dhigan tahay Xaalad Win-Win oo labada daraf ah waa dowlad deegaanka Soomaalida iyo dowladda Dhexe Itoobiya e.

Axmad Shide ayaa xilkaan ka bedelaya Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo xilkaasi hore u hayey.

Magacaabistiisa ayaa la xariirta saameynta uu ku leeyahay siyaasada dowlad deegaanka

Magaalooyinka dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa deggan tan iyo markii xilka laga qaaday madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxaa la filayaa in dadaalada nabadeed ee dowladda Itoobiya ay ku soo biiraan ururka ONLF oo maalinimadii shalay iyana ku dhawaaqay xabad joojin dhankooda ah.

Hadalsame Media