DABIN QOOLAN: Ogow sababta aysan sax u ahayn inay Soomaalidu la colloowdo Oromada & cidda ku danaysanaysa!

0

(Hadalsame) 11 Agoosto 2018 – Halista qoomiyadeed ee Soomaalida weligeed ilaa maanta haysatay waa Amxaarada iyo Tigreega siyaasaddoodu ku salaysan tahay Diinta Masiixiga, colaaddooduna ku jeeddo Muslinka deriskooda ah.

Labadaa qolaba waxaa ku jira damac imbiriyaali gumaysi.

Oromadu Soomaalida u ma aha u cadaw, wax ka soo qaadna ma laha hadallada maatada qaarkeed tidhaahdo ee ah dhulka Soomaalida annaga ayaa lahaan jirnay.

Dadkooda xilkaska ahi waxaa ku ma hadlaan. Dhiillada imika labada qolo dhex taalla waxaa abuuray Ina Iley oo kolkii Oromadu kacday Tigreega u hiilinayay, kuwaasoo ah cidda qura ee ka macaashaysa, halka aanay Soomaalidu dhib bulsho iyo dib u dhac siyaasadeed ka heleeyso.

Sidaa darteed Soomaalidu ha joojiso dacaayadaha iyo xaalad abuurka, hana la ga shaqeeyo xasilinta iyo walaalaynta labada qoomiyadood ee isu baahan.

Qore: Ibraahim-Hawd Yuusuf

AFEEF: Maqaal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan.

Hadalsame Media