Xaajo aan hoos ka dhabjinayno ayaan dusha ka dhayaynaa!!

0

(Hadalsame) 11 Agoosto 2018 – Haddii shaqaalaha wasaaraddu soo dhaweeyaan dadka ay wasiirka isku reerka yihiin oo ugu adeegaan si ka duwan dadka kale, waxay qireen inay yihiin marti u adeega reerka wasiirka oo aanay ahayn shaqaale dawladeed.

Marka nabadoonka wasiirka si degdeg ah loogu dhammeeyo adeeggiisa iyadoo dadkii kale sugayaan waxaa xididaysanaya isku milanka qabyaaladda iyo dawladnimada.

Dhammaan xarumaha dawladda (Saldhig boolis, safaarad, wakaalad, IWM) waa la mid.

Waxba yaan siyaadiyiinta la eedayn. Marka qof walba oo shaqaale ah joojiyo eexda ayaa madaxda sarena joojinayaan.

Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media