Kooxo hubaysan oo dil ka gaystay Magaalada Muqdisho

0

(Muqdisho) 07 Agoosto 2018 –  Askari ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed  gaar ahaan qeybta Dambi barista ee CID-da, ayaa saakay lagu dilay demada Waabari ee gobolka Banaadir.

Dilka ayaa waxaa ka dambeeyay dhallinyaro Bistoolada ku hubaysan, iyagoo kaddib dilka goobta ka baxsaday.

Askariga ka tirsan waaxda Dambi baarista ee CID-da, ayaa lagu dilay meel aan ka fogaun  hoygiisa oo ku yaala Waabari.

Kooxaha ka dagaalama Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay dilal qorshaysan ka fulinayay Muqdisho, iyadoo shalay laba askari siyaabooyin kala duwan loogu dilay Xamar Jab Jab iyo Warta Nabadda.

Hadalsame Media