Ciidamada Dowladda oo Al Shabaab kala wareegay Tuulooyin hor leh

0

(Muqdisho) 07 Agoosto 2018 -Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada DANAB ay la wareegeen tuulooyin ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al Shabaab.

Tuulooyinka ay la wareegeen ciidamada ayaa la sheegay in dhowr mar laga soo weeraray degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howlgal ka dhanka ah Shabaab ayaa la gu soo waramayaa in DANAB ay ku wehliyeen ciidamo Maraykan ah.

Idaacadda Dalsan oo soo xiganaysa maamulka Degmada Balcad ayaa baahisay in ciidamadu ay la wareegeen Buulo kuunto,Daniga Baalow ,Basro iyo goobo kale .

Hadalsame Media