SKY: Maldini oo maanta xil looga magacaabi karo Milan

0

(Milano) 05 Agoosto 2018 – Kabtankii hore ee Paolo Maldini ayaa kusoo laaban kara kooxda AC Milan, sida uu sheegayo Sky Sport waxaaba imaanshihiisa lagu dhawaaqi karaa isla maanta, waloow aanu sheegin xilka uu ka qabanayo maamulka cusub ee Milan.

Todobaadkii tegey unbay ahayd markii Maldini la waydiiyay inuu soo laaban karo isna ma xirin albaabka, waxaana horay loo hadal hayay inuu noqon doono madaxwayne xigeen.

Maldini ayaa mar qarka u saarnaa inuu soo laabto sida ay doonaysay Barbara Berlusconi, balse arrintaasi waa fashilantay maadaama aysan isku fiicnayn Adriano Galliani, markale, waxaa keenistiisa isku dayay Marco Fassone oo Agaasime Guud ka ahaa Milan-tii Chinese-ka, markaasoo uu dalabka ku gacan sayray.

Hadalsame Media