Aqriso: Magacyada wasiirada cusub ee uu reysal wasaare Kheyre magacaabay

0

(Muqdisho) 05 Luulyo 2018 – Qoraal ka soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa lagu magacaabay Wasiirro cusub.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa wareegtada Ra’iisul wasaaraha ka Akhriyay warbaahinta dowladda, waxayna kala yihiin;

Mudane C/laahi Goodax Barre, waxaa loo magacaabay wasiirka waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare.

Sheekh Nuur Maxamed Xasan, wasiirka Owqaafta iyo arimaha diinta.

Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen, wasiirka Xanaanada Xoolaha.

Mudane C/laahi Bidaan Warsame, wasiirka Kalumeysiga iyo Kheyraadka badda.

Mudane C/qaadir Sheekh Cali Bagdaadi, wasiiru dowladaha madaxtooyada.

Mudane Shawaqar Ibraahim Cabdal, wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre ayaa faray Wasiirrada cusub in si deg deg ah xilkooda kula wareegaan.

Hadalsame Media