RASMI: Paolo Maldini oo kusoo noqday AC Milan + xilliga lasoo bandhigayo (Xil muhim ah oo loo magacaabay)

0

(Milano) 05 Agoosto 2018 – Kooxda AC Milan ayaa ku dhawaaqday in uu soo laabtay Paolo Maldini oo noqonaya Agaasimaha cusub ee Horumarinta Istaraatijiga ah ee Dhinaca Isboortiga kooxdaasi.

Paolo oo ah halyeey nool oo baal dahab ah uga jira sooyaalka Rossoneri, weliba maalmihii qurxoonaa ayaa kooxda kusoo kordhinaya khibrad, hoggaan, daacadnimo iyo han guuleed.

Elliott oo ah sharikadda haatan leh milkiyadda kooxda ayaa doonaysa inay astaamahaa uga faa’iidaysato qorshaha ay doonayso inay kusoo celiso Milan oo sanadihii yaraa ee dambe woxoogaa hoos uga dhacday heerkeedii.

Taariikhda iyo magaca Maldini ayaa muddo dheer ku nudan sooyaalka Milan, tusaale ahaan, Maldini aabihii Cesare, wuxuu kooxda kula guulaystey koobkii ugu horreeyay ee Yurub ah 1963-kii. Waxaa dheer in Maldini uu 5 CL la qaaday Rossoneri oo ku sharaftay inay u xareeyso lambarka 3-aad oo uu kaliya qaadan karo qof qoyska reer Maldini ah.

Maldini  ayaa Milan u saftay 900 oo kulan min 1984 ilaa 2008, isagoo la hantay 7 Scudetti iyo 5 CL, halka uu 127 jeer u saftay xulka Talyaaniga, waxaana berri lagusoo bandhigayaa Casa Milan: saacaddu marka ay tahay 16:30 oo laga daawan karo “Milan TV“, toosna loogala socon doono Facebook (luuqadda Talyaaniga), iyo Youtube (luuqadda Ingiriisiga).

Waa tillaabo kale oo ay ku faani karto Elliott Management oo kooxda u dhiibtey Leonardo, horayna Rossoneri ugusoo celisey Europa League isla markaana laba laacib oo muhim ah kasoo qaadatay Juventus kuwaasoo ah Mattia Caldara iyo Gonzalo Higuain.

Hadalsame Media