Qabiilkii BIYAHA jeclaaday!! (Qormo aqris mudan)

0

(Hadalsame) 05 Agoosto 2018 – Maalmo ka dib markii loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Biyaha, ayuu mudane Hafiye ku soo noqday degaankii beesha. Wuxuu ka sheekeeyey siduu u soo dhiciyey cadkii beesha ka maqnaa.

Wasaaradaha difaaca iyo maaliyadda ee la jecel yahay in aanay micne weyn lahayn ayuu ku dooday. Noloshuba inaanan biyaha ka maarmin ayuu ku nuuxnuuxsaday. Axaadiis, aayado iyo gabayo hore ayuu ku xoojiyey aragtidiisa uu qiimaha biyaha ugu caddaynayey beesha.

Hadalkiisii ayaa si tartiib tartiib ah ugu baahay degaamadii beesha. Waxaa bilaabatay in la dhawro biyaha oo aan dayac loo daadin. Dhalinyaro iyo odayaal, rag iyo dumar beeshii waxay bilawday in ay meel walba kaga sheekeeyaan wanaagga biyaha iyo sida aan looga maarmin.

Waxay is lahaayeen kolley sababta reerkooda loogu aaminay biyaha waddanka oo dhan, waa in la ogaaday in ay yihiin beel aan laga maarmi karin, sida aan biyahaba looga maarmi karin. Markay beelaha kale wax ka sheegayaan waxay oran jireen: “Hadday qiime leeyihiin biyahaa loo dhiibi lahaa!”

Caruurtii maalmahaas dhalatay waxaa loo bixinayey magacyo biyaha la xiriira sida: Xareed, Maax, Rooble, Qoyan iyo Biyood. Beeshu ma jeclayn dadka sheega in biyuhu sifayn u baahan yihiin waayo waxay u qaadanayeen in iyaga loo qarinayo in Wasaaraddoodu ay gaabis tahay “Awalba biyaha lagama hadli jirine, maxaa hadda idiin muuqday!?” ayey lahaayeen.

Waxaa magaalooyinka beesha ka bilaabatay dood cilmiyeedyo lagu gorfaynayo sababta biyuhu aanay midab iyo dhadhan midna u lahayn. Aqoonyahanada beeshu waxay ku andacoodeen in Soomaalinimadu tahay saafi aan midab gaar ah lahayn sida biyaha, markaa ay iyagu yihiin beesha keli ah ee aan Soomaalinimadooda la barxin.

Falsafado badan oo muujinaya isku xirnaanta beeshan iyo biyaha ayaa la dhanbalay oo la qodobeeyey. Awoowohoodii u horreeyey in anuu si caadi u ah u dhiman ee uu roob soo da’ayey kor u raacay ayey sheegeen.

Isku shaandhaynta wasiirada ee soo socota waxaa laga baqayaa in ay beesha ku keento dhulgariir falsafadeed oo ay ku adkaato inay helaan xujooyin ay ku muujiyaan xiriirka ay la leeyihiin wasaaradda cusub ee loo dhiibo.

*** Kordhin iyo ku celin***

W; Q: Cabdulqaadir Diiriye

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraaga ku saxiixan.

Hadalsame Media