Itoobiya oo ku dhawaaqday inay dhexdhexaadinayso Jabuuti & Eriteriya

0

(Adis Abeba) 04 Agoosto 2018 – Kaddib markii lagu dhawaaqay in la caadiyeey xiriirkii Somalia, Itoobiya iyo Eriteriya ayaa waxaa haatan soo baxaya inay Itoobiya doonayso inay ka odayeeyso khilaafka u dhexeeya Jabuuti iyo Eritrea.

Melses Alem oo ah afhyeenka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya ayaa warbaahinta maxalliga ah ee dalkiisa u sheegay inay ”diyaar u yihiin inay dhexdhexaadiyaan” Jabuuti iyo Eritrea isagoo sheegay inay wax kasta caadi kusoo noqon doonaan.

Waxaa maalmihii yaraa ee dambe awal horay suuqa ugu jirey war sheegayay inuu madaxwaynaha Jabuuti ee Ismaaciil Cumar Geelle uu booqan doono Casmara si uu halkaa ugula kulmo dhiggiisa.


Hadalsame Media