DHEGEYSO: Guddiga xuduudaha oo sheegay inay jirto faragalin ka imaaneysa dalalka deriska ah (Qayladhaan)

0

(Muqdisho) 04 Luulyo 2018 Gudiga Xuduudaha madaxa banana ee Dowlada Soomaaliya ayaa walaac kamuujiyay Faragalinta arimaha Xuuudaha Ee ka imaanaya wadamada Dariska ah, waxaana ay sheegeen in xaaladda dalka ay ka daran tahay xilligii uu gumeystaha ingiriisku qeybiyey dalka, waxaana hadda jira faragalin qaawan oo lagu hayo xuduudaha dalka.

Gudiga oo kulan uu kuyeeshay magaalada muqdisho ayaa sheegay iney hayan xogo kusaabsan heerka faragalinta ee lagu hayo xuduudaha dalka iyagoona sheegay iney jiraan degmooyin badan oo kuyaala xadka oo gudaha loo soo galay lana dagay iyagoo ugu baaqay dowlada iney arintaas soo faragaliso  Gudoomiye ku xigeenka gudigaas xuseen xaashi xasan ayaa arintaas kawarbixiyay.

Arintaan ayaa imaaneysa xilli dowladda Kenya ay markale dib u bilaawday dhismaha darbiga u dhaxeeya Kenya iyo somaaliya.

Halkan ka dhageyso..

 

Hadalsame Media