DAAWO: Foowdo ka dhacday Jigjiga & bankigii Oromada oo la bililiqaystay!

0

(Jigjiga) 04 Luulyo 2018 Sida ay ku waramayaan wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka soomaalida itoobiya waxaa Dibadbaxyo rabshado wata ay ka socdaan  magaalada, halkaasoo qeybo ka mid ah xarumaha muhiimka ee maamulkaas la wareegeen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka.

Waxaa wararku intaa ku darayaan in Xaalad kacsanaan ah ay halkaa ka jirto ,waxaana magaalada Jigjiga  ay u egtahay meel colaad.

Si gaar ah Ciidamada ayaa la wareegay xarunta Baarlamaanka, xarunta Telefishinka iyo xarumaha kale ee wasaaradaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana Taageerayaasha Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa isugu soo baxay waddooyinka, iyagoo dhigaya dibad baxyo rabshado wata.

Waxaa waddooyinka lagu gubay taayaro, qiic iyo uuro ayaa cirka isku shareeray, waxaana la soo sheegayaa inay jirto bililiqo.

Warkii ugu dambeeyay ayaa waxaa baraha bulshada heehaabaya Bankiga Oromada oo bililiqo loo taagey.

Hadalsame Media