Bonucci & taageerayaasha Juventus oo qoorta isu galay!

0

(Torino) 04 Agoosto 2018 – Waxaa isku dheggan taageerayaasha Juventus iyo Leonardo Bonucci, kaddib markii ay boqollaal taageero iskugu soo bexeen xerada tababarka Continassa si ay u salaamaan laacibiinta Juventus.

Qaar ka mid ah taageerayaasha ayaa Bonucci ku yiri: «Goorma ayaad raalli gelin ka bixin doontaa wixii aad samaysay?». Leonardo ayaa markii hore is dhagooleeyay, balse markii warkii lagu celceliyay ayuu isagoo xanaaqsan yiri: «Ma rabo inaan war ku jawaabo, waxaanse jawaabta ku bixinayaa garoonka».

Waloow ay arrintani dhacday, misna taageerayaasha Bianconeri ayaa u muuqda kuwo diyaar u ah inay cafiyaan daafacooda, isagoo kulanka ugu horreeya 12-ka bishan kasoo muuqan kara ciyaarta Villar Perosa, kahor inta aysan Chievo wajihin 19-ka Agoosto.

Hadalsame Media