AC Milan oo durba bilowday iibinta funaanadaha Higuain & Caldara soona bandhigtay funaanaddeeda 3-aad + Sawirro

0

(Milano) 03 Agoosto 2018 – Waxaa durba dukaanka Milan Store iyo Casa Milan ka bilaambay iibka funaanadda lambarka 9-aad ee Gonzalo Higuain iyo midda 33-aad ee Mattia Caldara oo shalay uun kusoo biiray kooxda AC Milan.

Dhanka kale, kooxda Milan ayaa soo bandhigtay funaanadda 3-aad ee ay ku ciyaari doonto fasal-ciyaareedka 2018-19 oo dhowaan bilaabmaya, gaar ahaan 19-ka bishan.

Funaanaddan ayaa ku midabaysan kallar madoow qaxwo xigeen ah iyadoo garbaha ka cas, waxaana lagu qaadan karaa matante cas, mid cad iyo mid madoow intaba.

Hadalsame Media