SIR FAKATAY: Sucuudiga & Imaaraatka oo qorsheeyay weerar ay ku qabsanayaan dalka Qadar!

0

(Riyaad) 02 Agoosto 2018 – Sucuudiga Carbeed iyo Imaaraatka Carabta ayaa la sheegay inay sanadkii hore qorsheeyeen inay weerar ku qaadaan oo weliba qabsadaan dalka Qadar, isla markii ay soo baxday qaaquullada ka taagan Gacanka Carbeed.

Warbixin uu qoray warsidaha The Intercept ayaa daboolka iminka ka rogaya in qorshahan ay gebi ahaanba dejiyeen wiilasha leh dhaxalka Sucuudiga iyo Imaaraatka, iyadoo la qorsheeyay in ay labada dhinac kasoo galaan ciidamada lugta ee labada dal, ilaa ay ka gaaraan caasimadda dalkan oo isaga dhami 100 km ah.

Sida ay sheegayaan saraakiil ka tirsan waax dibadeedka Maraykanka, qorshaha Sucuudiga iyo Imaaraatku “wuxuu ahaa mid todobaadyo u jirey inuu hir galo” kahor intaanu gebi ahaanba joojinin Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibedda Maraykanka State Rex Tillerson.

Tillerson wuxuu wacay madaxda labada dal isagoo uga digey inay tillaabadaa qaadaan, wuxuu kaloo la hadlay Boqor Salmaan, Amiir Muxammed bin Salmaan, wasiir dibadeedka Adel al-Jubeir isagoo u sheegay inaan dagaalkaa la qaadin.

Tillerson, oo muddo badan lasoo shaqeeyay dowladda Qadar markii uu ahaa guddoomiya Exxon Mobil, ayaa sidoo kale u jeediyay Xoghayaha Gaashaandhigga Jim Mattis inuu la hadlo ragga dhiggiisa ah ee labadaa dal si ay arrintan oo dhibaato wayn keeni lahayd u hakiyaan.

Waxay warbixintu sheegaysaa in xil ka qaadistii Tillerson ay tani ka mid ahayd, iyadoo la tuhunsan yahay in Donald Trump oo ah nin lagu xanto inuusan faham buuran ka haysanin siyaasadda caalamiga ihi uu hoosta ka ogaa qorshahan, kaasoo markii dambe eryay Tillerson.

Hadalsame Media