Satellite-ka oo sawirro la yaab leh ka qaaday buundo badeedka dunida ugu dheer (Goorma ayaa xarigga laga jarayaa?)

0

(Hong Kong) 02 Agoosto 2018 – Sawirro uu Satellite dhanka hawada ka qaaday ayaa muujinaya buundo badeedka dunida ugu dheer ee Hong Kong-Zhuhai-Macau Bridge ee gebagebada ku dhow.

Buundadan oo dherersan 34 mayl, ayaa isku xireeysa Hong Kong, Macau, iyo inta kale ee dhulwaynaha Shiinaha oo ay uga xirmayso Zhuhai.

Buundadan oo lagu wado inay noqoto buundo bad dul marta midda dunida ugu dheer marka xarigga laga jaro dabayaaqada xagaagan ayaa kala bar dhimi doonta waqtigii ay dadka ku qaadan jirtey inay 3-daa meel isu maraan.

Haddaba, sawirro uu cirka ka qaaday Satelite-ka Deimos ayaa muujinaya muuqaalka buundadan, oo lagu dhisay aasto ku filan 60 Eiffel Tower, kahor inta aan xarigga laga jarin.


Hadalsame Media