Boqortooyada Sweden oo si cajiib ah looga dhacay hanti aan ”sicir loo gooyn karin” (Agab ka samaysan dahab, luul & dheeman)

0

(Stockholm) 01 Agoosto 2018 – Booliiska Swedan ayaa la sheegayaa in la dumay, iyagoo baaritaanno ballaaran oo bad iyo berriba ah ku howllan, kaddib markii shalay galab, maalin cad la xaday taajyo iyo agab kale oo dahab ah, isla markaana leh fasas luul iyo dheeman ka samaysan oo ka soo jeeda qarnigii 17-aad, sida iminka soo baxday.

Waxaa dhacday arrin u eg film Hollywood ah, marka la eego qaabka ay laba nin oo dooni ku baxsaday ay u dheceen agab boqortooyo oo ay lahaayeen boqorkii King Karl IX iyo boqoraddii Queen Kristina, iyadoo Queen Kristina, ay Sweden xukumaysay min 1632 ilaa 1654, halka Karl IX, King of Sweden uu taajku saarnaa 1604-1611.

Booliiska Sweden ayaa sheegay in ay labada nin la baxsadeen “alaab aan sicir loo gooyn karin oo hanti qaran ah” iyagoo ka digey in la iibsado kuna baaqay in lasoo sheego war iyo wacaalka labada nin ee xatooyadan cajiibka ah gaystay.

Hadalsame Media