DAAWO: Gantaal-badeed IS WADA oo ay Ruushku sameeyeen oo lagu naanaysay ”Hubkii Qiyaamaha” & Maraykanka oo ka walaacsan!

0

(Moscow) 01 Agoosto 2018 – Ciidamada reer Galbeedka ayaa ka walaacsan gantaal badeed drone ah oo ay Ruushku sameeyeen oo aanay cidina wadin, kaasoo awood u leh inuu qaado madaxyada nukliyeerka.

Gantaal badeedkan oo ah nooca loo yaqaanno Torpedo, balse magac ahaan loo bixiyay Poseidon balse ay ciidamada reer Galbeedku u yaqaanaan Status-6 ayaa markii ugu horreeysay lasoo hadal qaaday bishii Nofeembar 2015, waxayna saxaafadda reer Galbeedku ku naanaysaan Hubkii Yoowmal Qiyaamaha.

Bishii Maarso 1, 2018, waxaa sidoo kale soo hadal qaaday madaxwayne Vladimir Putin mar uu u khudbeeynayay Golaha Federaalka Ruushka. “Waxannu samaynay gantaan badeed qaaradaha iskaga goosha oo ku socda xawaare dhowr jeer ka badan midka gujiska, isla markaana dili kara markab kasta oo badda sabbeeynaya,” ayuu yiri Putin.

Gantaal badeedkan oo sida madaxyada nukliyeerka ayaa awood u leh inuu gunta badda goosho iyadoo aanay raadeerrada iyo soonnarku arkin, wuxuuna jug wayn gaarsiin karaa kaabayaasha dhaqaale ee magaalo xeebeedyada cadowga.

Hadalsame Media