Nin xaaskiisa dabaqa 5-aad uga soo tuuray eed uu isagu leeyahay!!

0

(Qaahira) 31 Luulyo 2018 – Nin Masri ah ayaa xabsiga la dhigay kaddib markii la sheegay inuu kasoo tuuray balkoonaha dabaqa 5-aad, maxaa yeelay “waxay kaliya dhalaysay gabdho,” intii ay is qabeen.

Eedaysanaha ayaa la sheegay inay haweenayda arrintaa ku murmayeen, sida uu qoray Al Anbaa, balse markii uu murankii kululaaday uu wax ku dhuftay, deetana ay iyaduna ka aarsatay, iyadoo u sheegaysa in jinsiga cunugga uu ALLE bixiyo, weliba “uu isagu sababta leeyahay markii dhanka caafimaadka la eego,” sida uu qabo Bayolojigu.

Waana markaa goorta uu inta aad u xanaaqey, uu hooyada 4-tiisa gabdhood kasoo tuuray balkoonaha dabaqa 5-aad, isagoo markii hore booliiska ugu been dhaartay inay arrintu shil ahayd.

Baraha Bulshada Masar ayaa aad loogu cambaareeyay ninkan anaaniga ah ee burburiyay nolosha gabdhihiisa iyo tii qoyskiisa, weliba arrin aysan khalad ku lahayn hooyada uu diley.

Hadalsame Media