Itoobiya oo dhirbaaxo diblomaasiyadeed oo kale ku dhufatay Imaaraatka (Maxaa dhacay?)

0

(Abuu Dabeey) 31 Luulyo 2018 – Imaaraadka ayaa la sheegayaa inay ka carootey in wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya uusan iyaga u qirin inay yihiin dalka kala dhex galay Itoobiya iyo Eriteriya oo 20 sano dirirsanaa, taasoo ay u arkaan meel ka dhac loo gaystey Abuu Dabeey, waloow aysan si cad arrinta usoo bandhigin, sida lagu qoray Al-Khaleej Times.

Afhayeenka Wasaarad dibadeedka Itoobiya, Meles Alem, ayaa hoosta ka xarriiqay in heshiiskii taariikhiga ahaa ee Casmara uu ahaa mid ku yimi xeerinta danaha labada dal, isagoo aan xusin cid 3-aad.

Warkaa ayaana ka hor imanayay midka ay faafinayeen warbaahinta Imaaraatiga ah oo dalkooda u arka midka heshiiskan ka dambeeya, iyagoo amaanta siinayay wasiirkooda arrimaha dibedda.

Arrintan ayaa noqonaysa dhirbaaxo kale oo wejiga uga dhacday dowladda Imaaraatka oo ay horay iskugu dheceen dalal kale oo Geeska Afrika ah sida Somalia iyo Jabuuti, jeer ay dadaal ugu jirtey in la go’doomiyo dalka Qadar, xitaa Itoobiya ayaa ku jirta dalalka dhabarka u dadbay ee u sheegay inay taageersan yihiin dhexdhexaadinta Kuwayt.

Waxaa horay u jirtey arrin aad loogu maadsadey oo dhexmartay Dr Caabiga Itoobiya iyo ninka leh dhaxalka Abuu Dabeey ee Maxamed Bin Zaayid oo Cabbeey u sheegay inuu ka caawinayo barashada diinta Islaamka, balse uu u sheegayo inaysan haynin diin ay cid kale baraan.

Hadalsame Media