WAR CUSUB: Maraykanka oo Ruushka ku keen-keenay & Ruushka oo sheegay inuu diyaar yahay!

0

(Moscow) 30 Luulyo 2018 – Moscow ayaa sheegtay inay ka war hayso dhaqdhaqaaqyo millateri oo ay wadaan Washington iyo xulufadeeda reer galbeedka ah oo iyada ka dhan ah, balse waxay sheegtay inaysan amaankooda cabsi ka qabin oo ay horay uga gaashaanteen, sida uu sheegay wasiir dibadeedka Ruushanka Sergey Lavrov.

“Aragtideenna ku aaddan qorshayaasha millaterri ee ay wadaan Maraykanka iyo dalalka kale ee reer galbeedku, waa inuu hubban yahay amaanka xiriirka Ruushku,” ayuu Lavrov u sheegay madasha dhallinyarada Ruushka oo lagu qabtay gobolka Vladimir oo 200km u jira Moscow.

Maraykanka ayaa dunida oo idil dhigayay hannaankiisa daafaca gantaalaha, kuwaasoo ay ku jiraan dalal aad ugu dhow waddanka Ruushka, sida dalalka Baltic-ga iyo Japan. Balse Ruushanka ayaa muujinaya inuusan wax welwel ah ka qabin amaankiisa, iyadoo uu madaxwayne Vladimir Putin uu horay u sheegay inay samaysteen hub aan dal kale haysanin.

Tokyo ayaa qorshaynaysa inay $4.2 bilyan oo doollar ay 30-ka sano ee soo socda ku bixiso rakibaadda hannaanka cusub ee raadeer-dhuleedka Maraykanka ee Aegis Ashore.

Hadalsame Media