DAAWO: Leonardo iyo wakiilka Higuain oo haatan yimid Casa Milan (Heshiis dhici kara)

0

(Milano) 30 Luulyo 2018 – Maareeyaha dhanka farsamada AC Milan ee Leonardo iyo walaalka iyo wakiilka qannaaska  Juventus ee Nicolas Higuain ayaa haatan ku sugan xarunta Casa Milan, iyagoo dhamaystiraya tafaasiilaha ugu dambeeya heshiis uu ‘Pipita’ ku yimaado kooxda Rossoneri oo aad haatan u dhow.

Higuain ayaa ugu dambayn la sheegayaa inuu hal tillaabo u jiro Rossoneri, iyadoo ay Leonardo iyo Nicolas oo sida la yiri inta kale ku heshiiyay ay haatan turxaan bixinayaan nooca qandaraaska.

Higuain oo tan iyo 2013 dhalinayay wax ka badan 20 gool fasalkiiba, ayaa Rossoneri oo dhibaato muddo dheer ku qabtay 9 la’aan haysatay ku imanaya amaah 20m oo euro ah, iyadoo sanadka kale ka bixinaysa 35 milyan oo euro.

Haddii lacalla la isku waafaqo heshiiska Higuin waxaa xigaysa inay labada kooxi kala bedeshaan labada daafac ee Bonucci-Caldara.

Hadalsame Media