Maxaa kasoo kordhay dayuurad lagu weeraray Baraawe?

0

(Muqdisho) 30 Luulyo 2018 – Wararka ka imaanaya Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegayaan in goor dhow Madaafiic  tiro ah ay ku dhaceen bartamaha Magaalada.

Sidda a xaqiijiyeen dadka degaanka Hoobiyeyaasha meelaha lagu weeraray waxaa kamid ah Garoon ku yaalla Duleedka Magaaladaas,  waxaana Xilliga weerarka hoobiyayaasha lagu soo qaaday Garoonka kusugnaa Diyaarad Helicopter ah.

Goobjoogayaasha ayaa  xaqiijiyay in diyaaradda aysan waxba soo gaarin Madaafiicdana ay ku dhaceen Meel Maqaayad ah.

Inta la xaqiijiyay  hal qof ayaa ku dhintay Waxaa sidoo kale jira dhaawacyo aan badneyn.

Lasoco wixii soo kordha….

Hadalsame Media