Wada xaajoodka Bonucci-Caldara-Higuain oo maanta mira dhali kara (Wararkii ugu dambeeyay)

0

(Torino) 30 Luulyo 2018 – Maanta ayaa la sheegayaa inay muhim u tahay mustaqbalka qannaaska Gonzalo Higuain, oo maanta tababarka ka bilaabaya Continassa isagoo uu wehlinayo Cristiano Ronaldo iyo xiddigaha kale ee kasoo laabtay KA2018.

Waxaa Pipita, wehlinaya walaalkii ka wakiilka ah Nicolas, kaasoo marka hore la kulmaya maamulka Bianconeri, si uu u ogaado waxa ay ka damacsan yihiin laacibka 30-jirka ah ee Higuain, kaasoo lala xiriirinayay Chelsea oo haatan dib u yara degtey iyo xitaa Borussia Dortmund oo uusan isagu la dhacsanayn.

Yeelkeede, AC Milan, oo iyadu safka hore uga jirta kooxaha doonaya Higuain ayuu kaddib la kulmi doonaa si uu u ogaado qiimaha dhaqaale ee ay la diyaar tahay Rossoneri, iyadoo Leonardo oo ay Higuain isku fiican yihiin ilaa waagii PSG ayaa muhim u ah wada xaajoodka. Waxaa kaloo dhici karta in ‘Pipita’ laftiisu uu kulanka soo xaadiro si uu laftiisu fikrad goobjoog ah u dhiibto.

Ugu dambayn, waxaa sidoo kale meesha yaalla arrin kale oo asaas u ah wada hadalka Juventus iyo Milan, taasoo khuseeysa is dhaafsiga Bonucci iyo Caldara, taasoo dhaqaale ahaan horay la isula meel dhigay inay isku qiime noqdaan, waxaana maanta la sugayaa inay xaajadani is furfurto.

Hadalsame Media