WAR CUSUB: Wasiirkii Waxbarashada oo xilkii laga qaaday

0

(Muqdisho) 26 Luulyo 2018 – Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya maanta oo ay Taariikhda ku beegan tahay 26-ka Luulyo 2018 waxaa Xilkii Wasiirnimo laga qaaday Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan.

Wareegtadan kasoo baxday xafiiska Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu xusay inuu xilkan sii heynayo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir.

Wasiirka Waxbarashada ayaa shalay sheegay in aanu aqoonsanayn jaamacadaha Somalia, lama se oga in xil ka dhigistiisu arrintaa la xiriirto iyo in kale.

Hadalsame Media